Maamulka Somaliland oo shacabka uga digay qaraxyo ka dhici doona..

Maamulka Somaliland ayaa soo saaray digniin loo jeedinayo shacabka oo la xiriirta qaraxyo qorsheysan oo laga sameynayo Buurta Dabdheer oo ku taala Bandarwanaag.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada difaaca Somaliland ayaa u qornaa sidatan hoose.

“Taliyaha Ciidanka Qaranka waxa uu ogeysiinayaa laga bilaabo maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 26-02-2022 ilaa khamiista oo ku beegan 03-03-2022, wuxuu Ciidanka Qaranku dab rid madaafiic ah ku samayn doonaa Buurta Dabdheer oo ku taala Bandarwanaag.

Sidaasi darteed, dadweynaha waxa la farayaa inay ka fogaadaan goobtaa Dab ridka lagu samaynayo mudadaasi kor ku xusan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -