Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaale oo digniin culus siiyey Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kaste oo ku kaca musuq iyo wax isdabamarin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Aggaasinka kala duwan iyo howlwadeenada Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir inay ka fogaadaan fal kasta oo musuq la xariiro.

Wax uu sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay soo gudbiyaan fal kasta oo musuq maasuq la xariira oo ay kala kulmaan adeegyada uu buuxiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

“Waxaa muddooyinkaan dambe ay waddaa dowladda Federaalka Soomaaliya la dagalaanka musuq-maasuqa,waxayna beegsan doonaan cid kasto oo uu soo galo raad musuq maasuq” ayuu yiri Madaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo fulinaya Shuruud Axmed Madoobe ku xiray iyo Masuuliyiin Muqdisho la keenayo !!

Cabdi Cade

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo oo muddo kooban loo diiday iney galaan Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Somaliland oo ka jawaabtay ashtakadii dowlada Somalia u gudbisay Golaha ammaanka ee QM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---