Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri kursiga Xildhibaanimo ee loo doortay maanta?

Fahad Yaasiin oo maanta lagu doortay magaalada Baladweyne ayaa goobtii lagu doortay kula hadlay ergadii iyo dadkii kale ee goobjooga ka ahaa doorashada.

Fahad ayaa yiri “Doorashooyinka dalkii intii aan soo garaadsaday tii Carte ayaa iigu horeysay, marka taas laga reebo intii kale waan dhex taagnaa, qaabkii aan ku galayba, balse tan ayaa iigu horeysa in aniga la ii codeeyo” .

Fahad oo hadalo kaftan ah goobta ka jeediyay ayaa u muuqday inuu muujinayo in doorashada dadban ay noqon doonto mid ay ka soo baxaan natiijooyin aanan dad badan farax galin “Doorasho shuban baa ka horeeyee ha loo adkeysto” ayuu yiri

Fahad ayaa balanqaaday in kursigiisa uu ugu adeegi doono Hirshabeelle iyo Soomaaliyaba, waana markii ugu horeysay muddo shan sano ah ee la arko Fahad Yaasiin oo fagaare ka hadlaya.

Doorashadiisa ayaa soo jiidatay dareenka siyaasadda Soomaaliya iyo tan warbaahintaba, waxana ay ahayd mid siyaabo badan kaga duwan kuraastii kale ee la doortay, iyada oo ciidamo xoog leh oo diyaarado lagu geeyay ay illaalo ka hayeen magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu dhawaaqay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

DF oo ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Olole xoogan oo Caawa socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---