Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Olole xoogan oo Caawa socda

Waxaa beri oo jimco ah lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka dhacdo Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug, waxaana doorashada ku tartamaya musharaxiin dhoor ah.

Waxaa caawa magaalada Dhuusomareeb ka socda olole xoogan ay wadaan Mushaaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen , waxaana caawa xarumaha musharaxiinta ka jira mashquul aad u badan.

Ololaha ugu xoogan waxaa caawa wada Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug kuwaa oo wada dadaalo mid kastaahi ku doonayo in uu kasbado kalsoonida Xildhibaanada codkooda lagu kala baxayo.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa caawa ka duwan habeenadii lasoo dhaafay, waxaana caawa ka jira guryaha ay degan yihiin Musharaxiinta mashquul badan, waxaana tagaya oo la qaabilayaa xildhibaanada Galmdug.

Mashquulka ugu badan ayaa ka jira guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug , waxaana halkaasi ku sugan inta badan Xildhibaanada Galmudug kuwaa taageero balaaran u muujinaya musharaxa.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha doorashada kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad laga leeyahay Iran oo lagu eedeeyay in ay bariga Dhaxe ku faafisay Caronavirus

Cabdi Cade

Nin Xirnaa Xijaab iyo Indho Shareer oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Laftagareen iyo Qoor-qoor oo ka qeyb galay shir Wadatashi ah oo Baydhabo ka socda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---