DF oo ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Wasaaradda Kaluumeysiga iyo khayraadka badda ee DF ayaa ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo yeeray Maamulka Puntland oo ka soo horjeestay in shatiga kalluumeysiga dalka ay bixiso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya keligeed.

Qoraal ka soo baxay dhowaan Wasaarada Kalluumeysiga dowlad goboleedka Puntland ayaa ayaa lagu sheegay inuu qalad yahay go’aanka DF ee sheegaya in sharci-darro loo aqoonsanayo Kalluumaysi aan shati ka haysan Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya

Haddaba Wasaarada Kalluumaysiga DF oo daba taagan hadalkaas ayaa soo saartay bayaanka hoos ku qoran:-

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS, waxay halkan ku soo gudbinaysaa bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira.

Wasaaradda oo ka masuul ah khayraadka badaha ayaa digniin u diraysa cid walba oo si sharci-daro ah uga Kalluumpeysata badaheenna, waxaana ay soo saartay qodobada soo socda.

Sida uu qabo Dastuurka KMG Qodobkiisa 44aad iyo heshiiskii Baydhaba ee 02 Febraayo 2018 iyo heshiiskii Addis Ababa 22 Maarso 2019. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay mudnaanta koowaad siinaysaa sidii dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah u wadaagi lahaayeen wax-soo saarka Kheyraadka Kalluunka.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliyeed Lr.23, 1985 Qodobkiisa 4aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda DFS waxay u taagan tahay sidii loo hormarin lahaa kheyraadka nool ee badaheenna ku jira, iyo sidii umadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan lahayd.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985 Qod.6aad, Faq.1aad. Wasaaraddu Waxay dhiirigalinaysaa Kalluumeysata sidii kor loogu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa xirfadahooda iyo qalabkooda kalluumeysi, lana kordhiyo suuq-gayntiisa gudaha iyo dibaddaba.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23, 1985 Qodobkiisa 12aad, Faq.5aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay ilaalinaysaa Kheyraadka Nool ee Badaheena ku jira, inaan lagu qaadan si sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerka Kalluumeysiga dalka.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliyeed Lr.23,1985. Qodobka 3aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xoojinaysaa oo dhiirigalinaysaa Kalluumeysatada Shisheeye inay ka Kalluumeystaan Baddeena si waafaqsan Xeerka Kalluumeysiga, xeerarka Caalamiga ah ee la isku raacsan yahay, iyo heshiisyadii Baydhabo 02 Febraayo 2018 iyo Addis Ababa 22 Maarso 2019.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985, Qodobkiisa 7aad.Faq.3aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xoojinaysaa xiriirka iyo wada shaqeynta Dowlad Goboleed-yada, si uu mira dhal u noqdo heshiis- yadii horey loo galay iyo kuwa kale oo muhim u ah Umadda.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -