Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Maamulka Somaliland oo howlgeliyay qalab casri ah oo fududeynaya doorashooyinka

Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta markii ugu horeysay tijaabiyey hannaanka Hubinta Xogta Codbixiyaha (Biometeric Voter Verification System), kaasoo lagu geli doono doorashooyinka soo socda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda arrintaasi lagu soo bandhigayey.

Doorashada madaxtinimada ee Somaliland, ayaa ku mudeysan in la qabto bisha Nofeembar ee sanadkan.

Guddoomiyaha guddiga Doorashada Somaliland, Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa carabta ku dhuftey in maanta daaha laga rogey qalabka dhanka hubinta qofka, gaar ahaan Indhaha.

Riyo raac, ayaa intaa ku darey in qofka marka uu indhaha saaro qalabka hubinta, ay soo baxayaan macluumaadkiisa oo dhameystiran, taasoo ka hortageysa wax is daba marin.

Qalabkan ayaa fududeynaya in laga hortago in qofku marar badan codeeyo iyo in lagu shubto codadka dadka ka qeyb qaatay doorashada

Related posts

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ka hadlay Darawalkiisa oo ku biiray Al Shabaab

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo Faahfaahisay safarka Madaxweyne Geelle iyo inta uu Muqdisho joogayo (Sawirro)

Cabdi Cade

La taliyaha amniga Qaranka oo sheegay arrin ay DF hadaf ka dhigatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---