Maraykanka oo War ka soo gaaray weerarkii Al-Shabaab ku qaaday xerada Camp Simba

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa warsaxaafadeed kooban oo ay soo saareen ku xaqiijiyay weerar saaka Al-shabaab ku qaadeen xerada camp Simba oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya halkaasoo ay wada degan yihiin ciidamo iskugu jira Maraykan iyo Kenyan.

ā€œTaliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qirayaa in uu jiro weerar lagu qaaday xerada Manda Bay ee ciidamada Cirka ee Kenya, waxaanna la socon doonnaa xaaladda,ā€ ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay AFRICOM.

Warsaxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in warar hordhac ah oo weerarka ku saabsan ay sheegayaan in uu jiro waxyeello soo gaartay qalabkii ciidamada ee xeradaasi, “waxaana wali socda baaritaanka lagu xaqijinayo xaqiiqda waxa dhacay, waanna soo gudbin doonnaa marka ay faahfaahinnadu soo baxaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha degmada Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kuwii weerarka soo qaaday dib loo celiyey, isaga oo intaas raaciyey in aanu hubin in qaar iyaga ka tirsani ay wali meesha ku harsan yihiin iyo in kale.

Ururka Alshabab oo sheegtay masā€™uuliyadda weerarka ayaa warbixin ay soo saareen ku yiri Waxaan si guuli ku jirto u weerarnay saldhig militari oo aad loo adkeeyey, haddana waxaan la wareegnay qeyb ka mid ah saldhigaas.ā€

Sawirro lagu soo bandhigay baraha internetka ee Al-shabaab ayaa muujinayey dab ka baxaya xerada gudaheeda iyo dagaalyahano gubaya qalabkii yaallay xeradaas oo ay ku jiraan dayuurado kala duwan iyo gaadiid.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MARAYKANKA OO ENGLISH AH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -