Ciise Sharaawe oo Shaaciyay cidii qorsheesay dilkii uu maanta ka bad baaday

Waxaa maanta isku day dil la qorsheeyay ka bad baaday Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka degmada Wadajir Ciise Shiraawe Cabdi , kadib weerar lagu qaaday gaari uu watay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqada.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka degmada Wadajir Ciise Shiraawe Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in  uu ka bad baaday isku day dil ay u maleegeen xubno katirsan maamulka degmada Wadajir.

Waxa uu sheegay Ciise Sharaawe in la aqoonsaday qaar kamid ah ciidamadii weerarka ku qaaday oo qaarkood la qabtay iyaga oo dhaawac ah, waxa uuna cadeeyay in weerarkaasi la qorsheeyay in lagu dilo balse ilaah uu ka bad baadiyay.

” Ma moodeen Maanta ka sokow inaan cadow labaad leeyahay, balse waxaa ii cadaatay in cadowgii uu ka dhex billowday dowladda dhexdeeda oo dadkii aan isku cadowga aheyn aan wadashaqeyneynay ay is beegsanayaan ayuu yiri” Ciise Shiraawe.

Masuulkan ka bad baaday isku dayga dil ayaa ugu baaqay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo werarkan lagu dili rabay cadaaladana la horkeeno dadkii qorsheeyay.

Laamaha amaanka dowlada ayaana wali war rasmi ah kasoo saarin weerarkan saakay uu ka bad baaday Gudoomiye kuxigeenka arimaha siyaasada maamulka Wadajir, waxaana socda baaritaano booliiska ku wadaan weerarkan iyo cidii ka dambeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -