Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano ku soo baxay doorasho aan lagu tartamin oo Kismaayo ka dhacday

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa saaka ku qabtay magaalada Kismaayo doorashada 3 kursi oo ka tirsan Golaha shacabka Somalia taasoo aheyd mid aan lagu tartamin oo ku dhamaatay tanaasul iyo gacantaag.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga tirsigiisu yahay HOP023 kaaoo ay kuwada tartamayeen musharax Sahra Cabdi Cilmi  iyo musharax Nasra Mahdi Caraale.

Musharax Sahra Cabdi Cilmi ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada iyadoo Musharax xildhibaan Nasro Mahdi Caraale loo qaaday codka gacantaag ah, 100 ergo ayaana HAA ku codeeyey, halka hal codna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Guddiga Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa ugu dambeyntii shaaciyey in kursiga HOP023 ay ku guuleeystay  Nasro Mahdi Caraale .

Sidoo kale,  Xildhibaan Cadar Xareed iyo Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaa tanaasulay musharaxiintii la tartamayey ka dibna cod gacantaag ah ayaa lagu ansixiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo ciyaartoy oo isku guursaday garoonka ciyaaraha dhexdiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaaradda Caafimaadka oo Daah-furtay Mashruuc cusub oo UK maalgalineyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Agaasime Sambaloolshe oo dibeda ugu ambabaxay safarkii ugu horeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---