Wasaaradda Caafimaadka oo Daah-furtay Mashruuc cusub oo UK maalgalineyso (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa munaasabad ka dhacday Safaaradda Boqortooyada Ingriiska ku daahfuray Mashruuca Better Lives oo socon doona mudo labo sanno ah, kaasoo laga fulin doono Galmudug, Juballand iyo Gobolka Banaadir iyadoo sida uu qorshuhu yahay ay ka faa’ideysan doonaan ku dhawaad 1.5 million oo ay kamid yihiin 400 oo kun Hooyooyin Soomaaliyeed iyo 300 oo kun caruur Soomaaliyeed ah islamarkaana ay heli doonaan talaalka laga maarmaanka ah.

Mashruucan oo ay maalgalintiisa leedahay Hay’adda UKAID ayaa laga fulin doonaa 11 degmo oo kamid ah qaar ka mid ah dowlad goboleedyada sida Galmudug, Juballand iyo gobolka Banaadir oo ay kamid yihiin goobaha laga xoreeyay khawaarijta oo aan horay u helin adeegyada caafimaad ee aas aasiga ah.

Munaasabada daahfurka mashruuca waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan BJFS iyo qaar kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Caafimaadka

Wasiirka ayaa saaxibada taabagalinaya Mashruucan uga mahadceliyay taageeradooda isagoo sheegay in mashruucan uu waxbadan ka tari doono Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka tasoo qeyb lixaadle uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caafimaadka Dalkeena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -