Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Ciraaqi oo dilay haweeney Soomaali ah oo diiday iney xiriir jaceyl la sameyso

Haweeney Soomaali ah ayaa lagu dilay maqaayad ku taalla degaanka Ampang Selangor ee dalka Malaysia oo ay shaqaale ka aheyd

Sida ay qortay warbaahinta free Malaysia today.com Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa goobta ka baxsaday kadib markii uu haweeney Soomaali ah ku dilay degaankaas

Jaya Farouk Eshak Taliyaha Booliska degmada Ampang ayaa sheegay in ninkan 25-jirka ah ay kasoo qabteen magaalada Ampang Putra dhowr saacadood markii uu dilka geysatay ka dib isagoo baxsad ah.

Booliska ayaa baaraya sababta kadanmbeysa dilkan uu nin u dhasahay dalka Ciraaq u geystay gabadhan Soomaalida ah.

Gabadhan la dilay oo 28 jir ah ayaa waxay la nooleed qoyska tuhmanaha muddo sagaal sano ah, waxaana jira warar sheegaya in gabadhan Soomaalida oo magaceeda lagu sheegay Dahabo Cumar ay diiday xiriir guur  oo u soo bandhigay ninkan Ciraaqiga ah taasina ay keentay inuu dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Magacyada & qabiilada Wasiirada cusub ee Galmudug & beesha ugu badan

admin

Maxay ka wada hadleen Taliye Odowaa & dhigiisa Gen. Robert Kariuki? (Sawirro)

Caydiid Ali

Suuragal ma tahay in Amarka Cumar Filish uu ka dhaqan galo Muqdisho..?!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---