Akhriso: Magacyada & qabiilada Wasiirada cusub ee Galmudug & beesha ugu badan

Madaxweynaha  maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Xalay ku dhawaaqay liiska golihiisa cusub ee wasiirada.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha shacabka baarlamanka Somalia kuwaasoo kala ah Axmed Macalin Fiqi & Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo loo kala magacaabay Wasiirka Amniga iyo Wasiirka dekedaha Galmudug.

Tirada wasiirada cusub ayaa gaaraya 23 xubnood oo isugu jira wejiyo ku cusub siyaasada iyo qaar horey ugu jiray, waxayna kala yihiin magacyadooda iyo xilalka loo Magacaabay iyo qabiilada sidan hoose:-

1: Cabdi Maxamed Fiidow Baliile: Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka ( Murusade )

2: Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Wayeel): Wasiirka Arimaha Gudaha ( Marexaan )

3: Ahmed Macalin Fiqi: Wasiirka Amniga ( Sacad )

4: Farxaan Cali Maxamed: Wasiirka Maaliyada ( Duduble )

5: Maxamed Xaashi Dhoore: Wasiirka Waxbarashada ( Ceyr )

6: Cabdiweli Cabdulahi Jaamac: Wasiirka Cafimadka iyo Daryeelka ( Marexaan )

7: Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud: Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka ( Murusade )

8: Daa’uud Maxamed Maalin: Wasiirka Dastuurka ( Wacaysle )

9: Saabir Nuur Shuuriye: Wasiirka Dakadaha iyo Kalluumaysiga ( Suleebaan )

10: Saciid Siyaad Shirwac: Wasiirka Bay’ada ( Suleebaan )

11: Cabdiraxman Maxamed Diiriye Makaawe: Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka ( Marexaan )

12: Cabdiladiif Cabdilaahi Warsame: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ( Marexaan )

13: Axmed Dhiblaawe Casir: Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U dhiska ( Wacaysle )

14: Aadan Cusmaan Xuseen Qoryooley: Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ( Shiiqaal )

15: Yaxye Xiish Xasan: Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ( Marexaan )

16: Maxamed Cabdi Axmed Kaarshe: Wasiirka Biyaha iyo Tamarta ( Sacad )

17: Abdulqaadir Maxamed Saciid Gentlemen: Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ( Saruur )

18: Xasan Cabdulqadir Xuseen: Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ( Fiqi muxumed )

19: Ubax Xuseen Dhiblawe: Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ( Duduble )

20: Xuseen Cabdulle Xasan: Wasiirka Cayaaraha iyo Dhalinyarada ( Saruur )

21: Axmed Shire Falagle: Wasiirka Warfaafinta ( Sacad )

22: Sahra Colaad Cabdi: Wasiirka Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga ( Beesha 5aad )

23: Axmednuur Xaaji Cisman: Wasiirka Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ( Fiqi cumar )

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -