Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo la kulmay Safiirka Soomaaliya u jooga dowladda Mareykanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre.

Rooble iyo safiirka cusub ee dowlads Mareykanks ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen arrimo dhoor ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Danjire Larry Adre ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay uga had Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawwaan Soomaaliya usoo magacawday Danjire cusub , waxa uuna danjira Mareykanka wadaa kulamo uu la qaadanayo Madaxda Soomaalida.

Related posts

Walaalo ku dhintay qaraxyadii maanta iyo warbixino kale oo Murugo leh (Sawirro cusub)

Caydiid Ali

Maxaad kala socotaa tirada hantida uu ka tagay Madaxweyne Mugabe?

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis is afgarad ah ka gaaray Xiisadii Balad Xaawo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---