Walaalo ku dhintay qaraxyadii maanta iyo warbixino kale oo Murugo leh (Sawirro cusub)

Qaraxyadii Maanta ka dhacay nawaaxiga Zoope ee magaalada Muqdisho ayaa dad badan soo xusuusiyey kii 2017kii ka dhacay isla goobtaas, waxaana ka dhashay qaraxyada maanta waxyeello badan oo rayid ah.

Weerarka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dhacay xili ay Madaxweynaha Somalia, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ay ka shirayeen la dagaalanka xagjirnimada, gaar ahaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Marka loo eego baaxada qaraxa ka dhacay Agagaarka Isgoyska Zoobe iyo khasaaraha uu sababay kuma koobneyn bartilmaameedkiisa Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo kaliya. Waxaa laga garan karaa burburka gaaray goobaha ganacsiga iyo dhismayaasha ka ag dhow Wasaaradda oo aad u baaxad weynaa.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii maanta, Al-Shabaab ayaa inta badan ka gaabsata sheegashada weerarada ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah, sida qaraxii 2017-kii.

Adeegga ambalaasta Aamin ayaa u sheegay in ay ururiyeen ugu yaraan 35 dhaawac ah. Mid ka mid ah gaadiidka gurmadka deg dega ah ee ka jawaabayay weerarka ayaa ku burburiyay qaraxii labaad.

“Waxaan u jiray 100 mitir markii qaraxa labaad uu dhacay,” ayuu yiri goobjooge Cabdirizaaq Xassan “Ma tirin karin meydadka dhulka yaalay (tirada) dhimashada awgeed.” Wuxuu sheegay in qaraxa koowaad uu ku dhacay darbiga wasaaradda waxbarashada, halkaasoo ay ku sugnaayeen ganacsato qaad iibisa iyo sariflayaal.

Booliska Somalia ayaa baraha bulshada ku baafiyey ilmo yar oo hooyadiis ay tiilay goobta ay qaraxyadu ka dhaceen iyadoo meyd ah, waxayna Booliska dalbanayeen in cidii taqaana qoyska ilmahaas yar ay la soo xiriiraan, waxayna aheyd arrin uurkutaalo badan.

“Anigoo Xamaali oo Gaari Gacan Bakaaro ugu shaqeysanayo ayaa la ii soo sheegay in gabadheyda ay dhimatay, xaaskeyga iyo gabadhii yareed oo iyagana dhaawac Markaan isbitaal imaaday $30 oo lacag dhiig ah bixi ayaa la’i dhahay, mana haysanin lacagtaas, waxaa iga bixiyay lacagtaas qof agteyda joogay”” ayuu yiri aabe kusugnaa mid ka mid ah isbitaalada la geeyey dadka dhaawaca ah

Sidoo kale Shaafici Maxamed Xuseen iyo Cabdi Maxamed Xuseen oo ahaa labo wiil oo walaalo ah ayaa ka mid ahaa dadka maanta ku geeriyoday qaraxii Zoobe.

Gabar magaceeda lagu soo koobay Iqra iyo hooyadeed ayaa sidoo kale la soo werinayaa iney ku dhinteen qaraxyadii maanta.

Iqra Hooyadeed ayaa la sheegay in ey Qaraxii Koowaad ku dhimatay balse nasiib daro Iqra oo hooyadeed ka soo raadisay goobta ayaa  iyaduna waxay Ku dhimatay Qaraxii labaad.

Sidoo kale caruur yar yar oo qoysaskooda nolol maalmeed uga raadin jiray caseeye ama iney kabaha baalashaan ayaa ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxyadii maanta.

Isgoyska Zobe ayaa sanadkii 2017-kii waxaa ka dhacay Qarax weyn oo Al-Shabaab ay ku dileen in ka badan 500 oo qof. Booliska ayaa sheegay in weerarkan cusub uu ka dhacay goobta saxda ah ee uu dhacay sanadkii 2017-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan qaaday weerar cusub oo ka dhan ah kooxda Mareykanku ku tilmaamay mid ka mid ah ururada ugu dilalka badan ee Al-Qaacida. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay “dagaal guud” oo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah, ee ka taliya qaybo badan oo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaana duqeymo badan oo Mareykanku ka geysanayay sannadihii u dambeeyay lala beegsaday.

HOOS KA DAAWO SAWIRO CUSUB

IQRA IYO HOOYADEED
IQRA IYO HOOYADEED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -