Madaxweyne Biden iyo Boqor Salmaan oo Arrimo xasaasi ah kawada hadlay

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan oo wadahadal dhinaca telfoonka yeeshay ayaa kawada hadlay arrimo badan oo khuseeya marxalada bariga dhaxe.

Joi Biden iyo Boqor Salmaan ayaa inta ay wada hadlayeen waxa ay diirada saareen sidii wax looga qaban lahaa sare u kaca shidaalka , waxa ay sidoo kale kawada hadleen xaalada dalka Yemen ka taagan .

Qoraal kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka go’an tahay inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunidda, waxa ay sidoo kale isla garteen ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka.

Boqor Salmaan ayaa cadeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan Ruushka, iyo koox loo yaqaan OPEC +, iyadoo toddobaadkii hore, OPEC + ay oggolaatay inay ku adkaysato kororka dhexdhexaadka ah ee wax soo saarkeeda saliidda .

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa sare kac laga dareemay qiimaha shidaalka ciiriinka ah ee caalamka, waxaana laga cabsi qabaa in ay sare u kacaan qiimaha shidaalka sanadkan hadii aan la qaadin tallaabooyin wax looga qabanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -