Muuse Biixi oo Daah-furay Wareejinta Nashqadaha Qorshe ee Saddex magaalo (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay wareejinta nashqadaha qorshe-magaaleedyada Boorama, Laascaanood iyo Gabiley oo ay soo diyaarisay wasaaradda hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland.
 
Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay, madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada ahna guddida nashqadaha qorshe-magaaleedyada, xildhibaanno, gaasimeyaal guud, madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee qaranka injineerro, madax ka socotay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta iyo marti-sharaf kale, waxana madasha si qoto dheer diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay in magaalooyinka kala duwan ee dalku ay yeeshaan qorshe cad oo fiditaankooda loo tixraaco iyo dedaalka ay wasaaraddu usoo gashay inay maanta lasoo gaadho heer la wareejiyo nashqadahaas.
 
Ugu horrayn, khubaro katirsan wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta, ayaa madasha kusoo jeediyey muuqaallo ku saabsan hannaanka casriga ah ee loo nashqadeeyey magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo Laascaanood iyo faa’iidooyinka laga helay qorshayaasha loo diyaariyey magaalooyinkaas, kuwaas oo faa’iidooyin badan u leh bulshada halkaas ku dhaqan, noloshoodana wax badan ka taraysa.
 
Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey hawsha culus ee ay ku daah-furayaan nashqadaynta iyo nidaaminta magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo Laascaanood, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan, waqti, maal iyo maskaxba geliyeen sidii ay magaalooyinkaasi qorshe qurux badan oo mustaqbalka anfaca u heli lahaayeen, taasina ay kamid tahay siyaasadda uu madaxweynaha qaranku dalka ku hoggaaminayo.
 
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda si rasmi ah u daah-furay, ayaa soo dhaweeyey horumarka ay ku tallaabsatay wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeyntu, waxana uu u mahadnaqay cid kasta oo hawshaas quruxda badan ee lagu nashqadeeyey magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo Laascaanood gacan ka geysatay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
 
“Waxan u mahadnaqayaa wasaaradda hawlaha guud iyo injineerrada, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa ciddii arrintan ka qaybgashay oo dhan iyo macallimiintii inoo soo saartay dhallinyarada waxaas quruxda badan sameeyey, waxana inoo ballan ah inaynu magaalooyinkeenna oo dhan u samayno nashqad (Master plan).”
 
Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu nashqadihii qorshe-magaaleedyada ee ay wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta diyaarisay ku wareejisay maayarrada magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo Laascaanood, si ay ugu hawlaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -