Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shimbir Saxmad ka dhigtay Wado Muhiim ah oo xabsi la dhigay (Daawo Sawirro)

Ciidamada booliiska dalka Ingiriiska ayaa xabsiga dhigay shimbir weyn oo la sheegay in carqaladeesay isku socodka gaadiidka wado muhiim ah oo kutaala Dalkaasi, kadib markii cabasho badan laga gudbiyay.

Dadweynaha wadada isticmaalayay ayaa cabasho ka gudbiyay shimbirtan oo saxmad wadada galisay, waxaana goobta si deg deg ah usoo gaaray ciidamo katirsan booliiska Cambridgeshire kuwaa oo shimbirta xiray kana waday goobta.

War kasoo baxay booliiska Cambridgeshire ayaa lagu sheegay inay soo gaareen cabashooyin dhowr ah oo ku saabsan shimibirta carqaladeysay isu socodkii gaadiidka ee waddada Hardwick.

Dhacdada shimbirtan saxmada abuurtay ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, waxaana dadka qaarkood sheegeen in dhacdooyinka nuucan kusoo badanayaan dalka Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 18- Milyan Dollar oo ka maqan lacag Deeq Bixiyaasha ugu deeqeen Somalia (Akhriso)

Cabdi Cade

Xukuumadda Somaliland oo Qodobo kasoo saartay Colaada Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Doorasho nuuceeda diidan yihiin Mucaaradka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---