Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo arrimo kala duwan kala hadlay Axmed Bin Muxamed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.
Rooble iyo sagiirka cusub ee Sacuudiga u jooga magaalada Muqdisho ayaa kulankooda waxa kaga wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
 
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad, ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dedaalo dowladaha Carbeed iyo kuwa xiriirka dhaw la leh Soomaaliya uga dalbaneyso in ay gacan ka geestaan xaalada abaareed ee Soomaaliya ka jirta iyo sidii ay gar gaar usoo gaarsiin lahaayeen dadka u baahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo Xabsi dhigay 8-qof ay ku jiraan kuwa heesta Dhalashada Mareykanka

Cabdi Cade

Wasiirka Qorshaynta Puntland “Waanu kasoo horjeednaa in Soomaaliya deynta laga cafiyo”

Caydiid Ali

Askari loo haysto kiis argagixiso ah oo ka baxsaday xabsi ku yaala London iyo baadigoob socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---