Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu sii xoogeestay dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa hada lagu soo waramayaa in uu ka socdo duleedka Balad Xaawo gaar ahaan xero ay ciidanka daraawiishta Jubbaland ku lahaayeen xadka u dhaxeeya Magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo.

Sida aan wararka ku helnay labada ciidan ee dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka cul culus, waxaa sidoo kale magaalada Balad Xaawo laga maqlayaa madaafiic culus ay isku tuurayaan ciidamada dagaalamaya.

Wali lama oga khaaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaaka xoogan ee ka socda degmada Balad Xaawo, mana jiro wali wax war ah ay dagaalka socda kasoo saareen dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Dadkii degnaa Degmada Balad Xaawo gaar ahaan dhinaca xadka ayaa halkaasi isaga barakacay, dadka qaxay badankood ayaa la sheegay in ay galeen dhinaca magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Dagaalka culus ee ka socda degmada Balad Xaawo ayaa imaanaya xili maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland isku hor fadhiyeen duleedka Balad Xaawo.

Waxii warar ee kusoo kordha dagaalkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -