Madaafiic Khasaaro geesatay oo lagu garaacay magaalada Baraawe xili doorasho ka socoto

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah lagu garaacay magaaladaasi gaar ahaan halka ay kutaalo Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaafiicda ayaana wararku sheegayaan in ay ku dhaceen xaafado dad shacab degan yihiin oo kuyaala agagaarka madaxtooytada Koonfur Galbeed ay ka socoto doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay madaafiicda lagu garaacay magaalada Baraawe halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad.

Madaafiicda lagu garaacay magaalada Baraawe ayaa abuuray xaalad cabsi iyo khalkhal, waxaana qeybo kamid ah dadkii deganaa magaalada ku carareen guryaha dabaqyada iyo goobo kale si ay gabaad uga galaan madaafiicda.

Magaalada Baraawe oon horey looga baran in madaafiic lagu garaaco ayaa sabab looga dhigay weerarkan maanta lagu qaaday doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee maanta halkaasi ka socota.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -