Axmed Madoobe oo balan-qaad u sameeyey dhaawacyada weerarkii Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay saqdii dhexe intii uu socday weerarka booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dad ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaareen waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Al-Shabaab ay ka go’antahay sidii shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa taasna ay u marayaan wado walba sida uu yiri.

Ciidamada amaanka ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaasoo hotelka daganaa.

Xaalada Kismaayo ayaa hadda degan ka dib markii la soo afjaray saaka weerar socday dhowr iyo toban saacadood oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen hotel ku yaalla magaaladaas, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta khasaaraha weerarka oo illaa hadda la xaqiiyey iney ku dhinteen dad kor u dhaafaya 15 ruux oo ay ku jiraan musharaxiin iyo weriyeyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -