Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamo aad u hubeesan oo maanta la geeyay magaalada Baraawe (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta diyaarado lagu geeyay magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed la geeyay ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo milatari aad u hubeesan.

Ciidankan maanta la geeyay magaalada Baraawe ayaa loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan sugida ammaanka magaalada Baraawe inta ay socdaan doorashada kuraasta gollaha shacabka ee magaaladaasi lagu qabanayo.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow, iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan magaalada Baraawe ayaa soo dhaweeyay ciidamada magaaladaasi la geeyay.

Magaalada Baraawe ayaa 10ka bishan lagu qabanayaa doorashada 13-kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka , waxaana Koonfur Galbeed horey doorashada gollaha shacabka ugu qabatay magaalada Baydhabo oo hada u ah caasimad KMG ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Seefta Ra’isul Wasaare Rooble oo dulsaaran Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid !

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi Oo Soo Xiray Wejiga 1-aad ee Barnaamijka Shaqo Qaran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Goob uu salaada Ciida ku tukanayey Madaxweyne caan ah oo la duqeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---