Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Dad ku dhamaaday Fiilo koronto oo ku dhacday Suuq laga dukaameysto

Ku dhowaad 30 qof ayaa dhimatay kadib markii ay qabatay fiilo koronto oo ku dhacday suuq ku yaalla dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Booliska ayaa sheegay in Fiilada korontada ay ay si lama filaan ah u go’day ka dibna ay ku dul dhacday dad ka dukaameysanayay suuq ku dhow magaalada caasimada ah ee Kinshasa.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa laga arkay meydad dhowr ah oo daadsan bartamaha Suuqa.

War ay soo saartay Shirkadda korontada Qaranka ee DR Congo ayaa lagu sheegay inay rumeysan tahay in danab uu ku dhacay qeyb ka mid ah fiilada, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. iyadoo tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=OmzK7b1jD5I&t=240s

Related posts

Qatar oo dowlada Somalia ku wareejisay doonyo, cagafyo iyo gaadiid (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Badbaadada Hirshabelle oo ka ka hadlay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo

admin

Daawo:-Baarlamanka Soomaaliya oo ka hor yimid ansixinta sharci khilaafsan Diinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---