Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax qabsaday Bas marayey duleedka Wajeer & dhimasho iyo dhaawac ka dhashay

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Wajeer ee gobolka woqooyi bari Kenya sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxan oo ka dhacay deegaanka Andaki ee koonfurta Wajeer ka dib markii gaari bas ah oo ay la socdeen uu dul maray miino dhulka lagu aasay.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatau haddana qaraxyada noocan ah ayaa looga bartay kooxda Al-shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii 7 qof ay ku dhinteen 13 kalena way ku dhaawacmeen markii qarax miino uu haleelay gaari bas ah oo ku sii jeeday magaalada Mandhera kaasoo ka soo ambabaxay degaanka Carabiya oo ka tirsan ismaamulka Mandhera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=OmzK7b1jD5I&t=240s

Related posts

Dad u heystay in la siiyey talaalka cudurka COVID-19 oo War yaab leh loo sheegay

Caydiid Ali

Ilhaan Cumar oo lagu dhegan yahay iyo olole xoogan oo lagu doonayo in la eryo oo socda

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay Xuska Shuhadada Qaraxii afar sano ka hor ka dhacay Zoope

Caydiid Ali
Taboola Ads ---