Al Shabaab oo fagaare ku toogatay Nuunoow Sanweyne Mursal oo labo Arrin ku eedeeyeen

Xarakada Al Shabaab ayaa goob fagaare ah oo kuyaala deegaanka Buula-fuulaay ee Gobolka Baay ku toogtay nin ay ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay maamulka Koonfur Galbeed .

Maxkamadda Al Shabaab ayaa ku eedeesay Nuunoow Sanweyne Mursal oo 34 jir ah in uu la shaqeenayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed uuna xoggaha siin jiray ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Itoobiya.

Waxa ay sidoo kale Al Shabaab ku eedeeyeen ninkan ay xukunka dilka ah ku fuliyeen in uu gurigiisa ku martiqaaday xoolana ugu qalay sargaal katirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed oo walaashiis uu qabay.

Saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne badan ayaa isugu tagay fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay Nuunoow Sanweyne Mursal, waxa ayna Al Shabaab dadka uga digeen la shaqeynta maamulka Koonfur Galbeed iyo dowlada Federaalka.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale maalmo kahor xukun dil ah labo nin kula fuliyay fagaare kuyaala Kuunya-Baroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ayna Al Shabaab ragaasi ay toogteen ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -