Loollan adag oo ka jira doorashada kursiga HOP123 iyo Musharaxa loo saadaalinayo

Waxaa soo baxaya Loollan aad u xooggaan in uu ka jiro qaar kamid ah kuraasta taalla gobolka gedo, iyadoo ay jifooyinka wada leh kuraastaas sanadkaan isku hayaan qaabka qaybsiga inta badan kuraasta halkaa taalla, kursigii ugu loolanka adkaa ayaase u muuqdo in uu dhinac u dhacay.
 
Kurisga HOPE123 oo uu horay ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ayaa wararka aan ka helaynno Jubbaland waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu go’aansaday in uu u xiro jifo kamid ah jifooyinka wada lahaa kursigaan, taas oo lagu fasiray cadaalad u raadinta jifooyinka ku qaday doorashooyinki hore.
 
Waxaana sanadkaan ay dowlad goboleedka Jubballand jaangooysay in jifooyinka Aqalka sare kuraas ka helay aysan ku darsan aqalka hoose sidii maamul goboleedka horay oga dhici jirtay.
 
Musharaxa ugu hadal haynta iyo saameynta badan, lana filayo inuu kursigan kusoo bixi doono sanadkaan ayaa la saadaalinayaa in uu noqon doono C.llaahi Sheekh Maxamuud Sheikh C.llaahi.
 
Sida aan xoggaha ku helnay musharaxan ayaana taageero badan ka heestaa beeshiisa iyo dhinacyo kale, waxaana si weyn loo saadaalinayaa in musharaxan kursigan kusoo baxo hadii uusan imaan musuq maasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -