Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo danjiraha EU?

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Xasan Cali Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya .

Waxay ka wada-hadleen arrimo la xiriira xoojinta Xiriira labada dhinac iyo sidii Midowga Yurub iyo Somalia ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada waxa loogu yeero.

Wasiirka ayaa xusay in Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ay guulo ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan nabad diidka degaano badana laga xoreeyay.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia uu xusay in dadaalo muuqda iyo dhaqdhaqaaqyo ciidanka oo muuqda ay wadaan ciidamada DFS , Somaliyana ay ka soo kabaneyso dhinacyo kala duwan.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday in la xoojiyo xiriira labada dhinac iyadoo layska kaashaanaayo sugidda amniga iyo arimaha kale la xiriira tababarada ciidanka Xoogga dalka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo shaaciyay hal arin ay isaga mid yihiin Dowlada Federaalka iyo Al Shabaab

Cabdi Cade

Wasiir Dubbe oo u digay danjireyaal shisheeye oo faragelin ku haya arrimaha Somalia

Caydiid Ali

Guri labadiisa dhinac loo mariyay Buundo iyo hal arin oo sabab u noqotay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---