Ciidamada DF oo sheegay iney qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo ka tirsan qeybta 27aad ayaa howlgal waxay ka sameeyeen wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 4aad ee qeybta 27aad Col. Saney Cabdulle Gaab, Abaanduulaha qeybta 27aad Saalax Yaquub iyo Saraakiil kale.

Waxaa howlgalku ka koobnaa mid ay ku baarayeen miinooyinka dhulka la geliyo iyo Gaadiidka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo miinooyin aasayay iyo Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, kaasoo weerar lagu fulin rabay.

“Howlgalkan waxaa uu daba socdaa howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Kumaandoska DANAB ka sameynayeen degaanada, Xawaadley, Jameeco iyo degaano kale” ayuu yiri Taliyaha Guutada 4aad ee qeybta 27aad Col. Saney Cabdulle Gaab.

Jidka isku xira Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo qaraxyo mas’uuliyiin kala duwan lagu dilay, taasoo sababtay in madaxda Al-shabaab ay wadadaas isticmaalkeeda joojiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -