Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Yuusuf Dabageed oo si layaab leh uga hadlay Ciidankii la geeyay Baladweyn iyo Ujeedka loo geeyay

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa ka hadlay ciidamo dowlada Soomaaliya shalay diyaarado ku geesay Baladweyne.

Waxa uu sheegay Yuusuf Dabageed in ciidamada shalay la geeyay magaalada Baladweyne iyagu ka dalbadeen dowlada federaalka, waxa uuna xusay in ciidankaasi u dalbadeen si ay ula dagaalamaan kooxda Al Shabaab.

Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale beeniyay in ujeedka ciidamada Haramcad iyo Gorgor loo geeyay magaalada Baladweyne in aysan aheyn in lagu boobo doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee lagu wado in lagu qabto magaaladaasi.

Madaxweyne kuxigeenka HIrshabelle ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo siyaasiyiinta kale ee shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho aysan u hadli karin reer Hiiraan, waxa uuna xusay in ay yihiin siyaasiyiin kuraas doon ah.

Shacabka Baladweyne ayaana si weyn ula yaabay hadalka maanta kasoo yeeray Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ee ku aadan in ciidamada magaaladaasi loo geeyay in ay la dagaalamaan Al Shabaab, taas ay ku tilmaameen waxbo kama jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=1zi1gyXqbfM&t=117s

Related posts

Gabar yar oo toogasho laga argagaxay ka geesatay Iskuul kuyaalla Mareykanka

Cabdi Cade

Wasiiradda Dagaalka Israa’iil oo ku kala qeybsan Jawaabta laga bixinayo Weerarkii Iran

Cabdi Cade

Wiil 12-sano jir oo lagu tilmaamay Halyey aad u Naxariis badan !!(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---