Wiil 12-sano jir oo lagu tilmaamay Halyey aad u Naxariis badan !!(Daawo Sawirada)

Wiil laba-iyo-toban jir ah oo ku nool Meishan, dalka Shiinaha ayaa lagu tilmaamay halyey sababtii uu ugu suura-geliyay saaxiibkiisa cuuryaanka ah oo ay isku fasalka yihiin awgeed inuu wax-barashadiisa kaga caawiyo isaga oo kusoo xanbaaraya dushiisa maalin walba.

Lixdii sannadood ee lasoo dhaafay wuxuu subax walba saaxiibkiisa naafada ah kusoo xanbaaraa dushiisa isaga oo usoo kaxeynaya dugsiga ay wada dhigtaan.

Markii uu 4 sano jirsaday, Zhang Ze waxaa laga helay xaalad lagu magacaabo myasthenia gravis taas oo ugu danbeyntii u diiday inuu si qumaati ah ugu joogsado addimadiisa – iskaba daa inuu ku socdee. Marka ay labadiisa waalid usoo xanbaaraan dugsiga, waxaa haddana ku adkaan jirtay inay baahida kale ee fasalka ka jirta iyo tiisa gaarka ah sida booqashada suuliga iyo wixii la halmaala ay ka kaalmeeyaan. Nasiib-wanaag, mid kamid ah ardayda fasalka ayaa usoo sare kacay inuu caawiyo. Durba kolkii ay isla bilaabeen fasalka koowaad, Xu Bingyang wuxuu Zhang ugu deeqay fursad uu ku kaalmeeyo. Lixdii sannadood ee lasoo dhaafay, marka Zhang uu u baahdo aadista suuliga, maktabadda, iyo hoolka qadada, waa Xu midka u taagan inuu si fudud ku gaarsiiyo. “Waan ka weynahay culeys ahaan, waxay ila tahay haddii aanan anigu kaalmeyn yaa kale oo usoo baxaya,” ayuu yiri da’yarka xishoodka iyo is-dul-dhiga badan isaga oo la hadlaya warbaahinta Shiinaha. “Culeyskaygu waa 40 kg, isaguna waa 25kg marka iguma adka inaan xanbaarsado.” Xilli walba – kaliil iyo mid roobaad – Xu wuxuu saaxiibkiis kasoo qaadaa ilinka hore ee dugsiga, wuxuu isaga oo xanbaarsan lasoo koraa jaranjarta ilaa uu ka keeno fasalka ay isla dhigtaan. Wuxuu sidoo kale fadhigiisa ugu keenaa wax walba oo uu u baahdo.

Marka loo eego macalimiinta dugsiga Hebazi Town Central Primary, saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, laba wiil ayaa Zhang caawin jiray. Balse mid kamid ah ayaa ugu danbeyntii awoodi waayay. Balse Xu wuxuu si niyad-furnaan leh u garab istaagay Zhang. Waligiina kama uusan sheegan kaalmada joogtada ah oo uu u fidiyo Zhang. Xaqiiqdii xittaa waalidkiisa uma sheegin sheekada saaxiibkiisa naafada iyo sida uu u gargaaro. Waxay kaliya ka war heleen sheekadiisa markii ay ka maqleen ardayda kale iyo macalimiinta. “Xu Bingyang waa saaxiibkayga dhabta ah,” ayuu yiri Zhang. “Maalin walba wax buu ila bartaa; ila sheekeystaa; wuuna ila ciyaaraa; waana uga mahad-celinayaa halgankiisa joogtada ah.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeedka; hiraal86@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -