Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin isagoo nool laga soo saaray lugaha Diyaarad u kala duushay Afrika iyo Yurub

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa sheekada nin isku qariyay lugaha diyaarad ka duushay dalka Koonfur Afrika oo 11-saacadood kadib gaartay dalka Holland lana soo saaray isaga oo nool.

War kasoo baxay booliiska dalka Holland ayaa lagu sheegay in diyaarad soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam lugaheeda kasoo saareen nin nool oo saacado badan halkaasi ku jiray.

Diyaaradan oo aheyd nuuca rakaabka ayaa kasoo duushay dalka Koonfur Afrika waxa ayna soo martay dalka Kenya, lamana oga halka uu ninkan isku qariyay lugaha diyaarada uu ka raacay, lamana shaacin magaciisa iyo dalka uu kasoo jeedo.

Waa wax aan caadi ahayn in dadka ku dhuunta lugaha diyaaradda hoostooda ay ku noolaadaan duullimaadyada saacadaha dheer qaata, sababo la xiriira qabowga iyo oksojiinka hooseeya ee hawada sare.

Dhacdadan ayaana noqotay mid si weyn looga hadal hayo warbaahinta iyo baraha bulshada, waxaana dad badan ku tilmaameen ninka diyaarada lugaheeda ku dhuuntay isaga oo noolna gaaray dalka Hollanad nin aad u nasiib badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=1s5dgtU0kdQ

Related posts

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheesan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Qaraxyo Al Shabaab diyaariyeen oo la fashiliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo damacsan qorshe yaab leh oo looga hortagayo weerarada Macalimiinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---