Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qalbi-dhagax: “Waana soo dhaweyneynaa in RW Rooble uu saxay qaladkii hore”

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay liiska argagixisada uga saareen, isaga iyo ururka ONLF.

Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu bilo ka hor kula kulmay magaalada Nairobi, isla markaana uu ka balan qaaday in go’aankaas ay ka garaabi doonto dowladda Soomaaliya.

“Qaladkii hore waxaa saxay Ra’iisul wasaaraha umadda Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble, waana soo dhaweyneynaa, qaladkaas waxaa laga galay dhamaan umadda Soomaaliyeed, waana wax lagu farxo in maanta la saxay,” ayuu yiri Qalbi-Dhagax.

Waxa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed ay ku wada jiraan halganka ONLF ee gobanimo doonka ah, taasoo keentay in dadka Soomaaliyeed ay ka wada dhiidhiyaan dhibkii isaga soo gaaray iyo go’aankii ay qaadatay xukuumadii hore.

Related posts

Xasan Shiikh & Xildhibaano kale oo qaaday talaabo ku dayasho mudan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jawaari ” Ciidamo ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka ,Waxii dhibaato ah ee ka dhaca Waxaa Masuul ka ah…

Cabdi Cade

Muhaajiriin ku dhex geeriyootay gaari lagu soo qariyey iyo kuwo la soo badbaadiyey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---