Jawaari ” Ciidamo ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka ,Waxii dhibaato ah ee ka dhaca Waxaa Masuul ka ah…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay ciidamo la sheegay in ay katirsan yihiin ilaalada Madaxtooyada iyo Nabad sugida oo caawa la wareegay amaanka xarunta Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay Jawaari in xarunta Golaha shacabka laga qaaday ciidamadii booliiska ee mudo sanado ah ilaalinayay xarunta golaha shacabka, waxa uuna tilmaamay in ciidamo cusub Xukuumada geysay xarunta golaha shacabka.

Jawaari ayaa sheegay in Ciidamada horey u joogay Baarlamaanka ahaayeen kuwa tababar buuxa heestay mudo sanado ahna xarunta ka shaqeenayeen, waxa uuna tilmaamay in ciidamada hada la geeyay yihiin kuwa aan aqoon nidaamka loo sugo amaanka xarunta golaha shacabka sidoo kale aysan kala aqoon Xildhibaanada iyo dadka kale.

Waxa uu cadeeyay in waxii amaan daro ama dhibaato kale ee ka dhasha xarunta golaha shacabka ay masuul ka tahay Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu sheegay in masuul ka yihiin ciidanka la wareegay xarunta golaha shacabka.

”Ciidankan cusub ee la geeyay xarunta Baarlamaanka ma yaqaanaan habka loo sugo amaanka xarunta sidoo kale makala  yaqaanaan Xildhibaanada iyo dadka kale ee caadiga, waxii dhibaato ah oo halkaasi ka yimaada waxaa masuul ka ah Kheyre iyo Xukuumadiisa ” Ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku baaqay in ciidamada cusub laga qaado xarunta Baarlamaanka, waxa uuna ciidamada ugu baaqay in ay dhax dhaxaad ka noqdana Siyaasada .

”Waxaa jira goobo aan hubka lala soo gali karin xarunta Baarlamaanka, hadii meesha la keeno ciidamo cusub oo nidaamka la socon sidoo kale aan aqoon xasanaada Xildhibaanada waxaa ka imaan kara dhibaato” Ayuu yiri Jawaari

Ciidamo cusub oo katirsan koofiya casta iyo Xaslinta ayaa la sheegay in caawa la wareegeen amanaka xarunta Baarlamaanka, waxaana xarunta laga qaaday ciidamo booliis ah oo horey u joogay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -