Doorasho Natiijadeeda la sii ogyahay oo maanta ka dhaceysa magaalada Garoowe

Shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Garoowe  ee caasimada Puntland.

Waxaa la dhameystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo sida uu sheegay Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland.

Kuraasta maanta lagu dooranayo Garoowe ayaa ah kuwo aan lagu tartameyn oo loo xiray shaqsiyaad gaar ah oo uu wato Madaxweyne Deni iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, waana la sii ogyahay xubnaha ku soo bixi doona.

Kursiga Hop235 waxaa ku soo bixi doona Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah Xildhibaan iyo Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia

Hop249 Waxaa ku soo baxaya Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Puntland.

Hop196 waxaa la filayaa inuu ku soo baxo Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland

Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya xilligii Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu waddaa inuu ku soo baxo kursiga Hop166 ka dib laga hor istaagay inuu u tartamo Wasiirka duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax.

Hop200 waxaa la filayaa inuu ku guuleysto Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ah Xildhibaan heer Federaal ah oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland markii xubno la tartami lahaa laga reebay doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -