Sacuudiga oo sharci ka soo saaray dadka been abuurka ku faafiya Baraha bulshada

Sacuudiga ayaa ka digay in qof kasta oo ku faafiya warar been abuur ah baraha bulshada in uu muteysan karo ganaax culus & xabsi shan sano ah.

Arrintan ayaa timid ka dib markii bandhig faneed ka dhici lahaa magaalada Riyaad laga baahiyey warar sheegaya in dumar da’yar la faraxumeeyay xilli ay isku dayayeen inay guryahooda u soo laabtaan.

Arrintan ayaa ah iska horimaadka dhaqameed iyo bulsheed ee ka dhashay furitaankii Sacuudi Carabiya, halkan oo dadkeedu ahaayeen bulsho qallafsan oo asal raac ah, laakiinse hadda martigelisa munaasabado iyo madadaalooyin badan oo aan hore laga aqoon.

Riwaayaddan oo aad loo wada sugayey, oo ay kooxdii waddey ay ciwaan uga dhigeen kooxda K-Pop ee Stray Kids, fiidnimadii 14-kii Jannaayo ayaa la joojiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay kaddib markii ay dhaceen dabaylo badan.

Taageerayaasha oo niyad jabsan ayaa ku dhibtooday in ay ka soo ambabaxaan goobtii lagu dhigayey oo ku taal duleedka caasimadda Sacuudiga.

Baraha bulshada ayaa waxaa ka billowday warar sheegaya in gabdho la waayay, sidoo kalena dadka qaar ayaa ka digayey xadgudubyo dhanka galmada ah. Waxaana guud ahaa baraha bulshada ka muuqday ugu yaraan, waxaa u muuqday argagax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -