Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Olole oo cusub oo laga bilaabayo Muqdisho iyo Cumar Filish oo daahfuray

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Moqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Omar Filish ayaa maanta daah-furay ololaha la dagaalanka Caabuqa Covid19 Ee gobolka banaadir, Somalia.

Xafladaan lagu daah-furayay ololaha la dagaalanka Caabuqa Covid19 ayaa waxaa goob joog ku ahaa Wakiilka IGAD ee u fadhiya Somalia Ambassador Jamaal Axmed Ibraahim, Gudoomiyaha Degmada C/caziiz Mudane Mahdi, Gudomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan, Gudoomiyaha Dhalinyarada ee Maamul Gobleedka Jubbaland Mudane Cabdi wahaab, Culumaa’udiinka, Dhaqaatiirta, Ururka Dhalinyarada Degmoyinka Gobolka Bamaadir Gobolka Ururka Haweenka Gobolka Banaadir,

Ololahaan ayaa ah la dagaalanka iyo Ciribtirka Caabuqa Covid19 ee sida weyn u saameeyay dhamaan wadamada Dunida, gaar ahaan dalkeena Somalia, Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa daah-furay ololahaan, waxaana si weyn ufulin doonna dhalinyarada Gobolka Benadir iyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka, eyagoo taageero ka helaya Hey’adaha sida European Union ( EU ) iyo Intergovernmental Authority on Development ( IGAD).

Ololahan ayaa ku soo aadaya xili Cudurka COVID-19 uu ka soo yaraanayo dalka, waxaana hoos u dhac weyn laga dareemayey tirada dadka uu soo rito cudurkaan ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex arrin oo lid ku ah heshiiskii Dhuusamareeb & RW cusub 48 saac lagu magacaabayo

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo Gantaal khasaaro geestay ku weeraray Tel Aviv

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo maanta Baladweyne kula kulmay Waxgaradka labo beelood (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---