Al Shabaab oo amar cusub kusoo rogtay dadka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan

Ururka Al Shabaab ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in bacda laga is ticmaalo deegaanada ay maamulaan, waxaana amarkan durba uu ka dhaqan galay qaar kamid ah deegaanada Al Shabaab ka taliyaan.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa amar kasoo baxay waxaa gobolada Jubooyinka looga mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka bacda nuucyadeeda kala duwan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in bacdu dhibaato badan ku heyso caafimaadka dadka bini’aadamka iyo xoolaha, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegtay in bacda dhibaato ku heyso bii’ada oo ku sameyso nabaad guur.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Al Shabaab isticmaalka bacda ka mamnuucday deegaano kale ay maamusho, waxa ay sidoo kale Al Shabaab mamnuuceen in la jaro dhirta qoyan.

Qaar kamid ah deegaanada Al Shababa maamulaan ayaa durba la arkayay iyada uu ka dhaqan galay amarka bacda lagu mamnuucayay , waxa ayna dadku ku adeeganyeen salad iyo agabyo kale ay sameesteen.

Wadamada Caalamka qaarkood ayaa horey looga mamnuucay adeegsiga bacaha, waxaana la isku raacsan yahay in bacaha ay keenaan dhibaatooyin badan , mana sahlana  in Soomaaliya oo dhan xiligan laga mamnuuco  isticmaalka bacaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -