Madaxweyne Trump & dhigiisa Kim John un oo mar kale kulmaya

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa ku baaqay in Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay qaataan go’aan caaqibo leh oo ay ku sii dardar galinayaan wadahadalladii hubka nukliyeerka ah lagaga cirib tirayo Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan ayaa timid iyadoo Aqalka Cad ee dalka Maraykanka looga arrimiyo uu sheegay in ay socdaan wadahadallo ku saabsan sidii ay mar kale u wada hadli lahaayeen madaxweyne Trump iyo Kim Jong Un, iyadoo arrintaas uu soo codsaday Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Moon oo qaatay doorka dhexdhexaadinta ayaa kulanka golaha wasiirrada ka sheegay in Waqooyiga looga baahan yahay in ay billawdo burburinta hubka nukliyeerka ah, Maraykankuna uu ka soo baxo waxa looga fadhiyo.

Madaxweyne Moon Pyongyang ayuu ku sii jeedaa toddobaadka dambe isaga oo halkaas ku sugnaan doona saddex maalmood oo uu wadahadal la leeyahay Kim, isagoo intaas ka dib u duuli doona magaalada New York si uu ula kulmo Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -