Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamo Nabad Sugid ah oo weerar ku qaaday Guriga Hooyo dhashay Wasiir katirsan Xukuumada Rooble

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumada Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibrahim Xaabsade ayaa ku eedesay ciidamada Nabad Sugida Koonfur Galbeed in weerar ku qaadeen guriga hooyadeed oo kuyaala Baydhabo.

Qoraal ay soo saartay Wasiir Xaniifa ayey ku sheegtay in Madaxweyne Laftagareen ciidamo ku amray in ay soo xiraan hooyadeed , kuwaa ay sheegtay in ay weerareen gurigooda ayna dil ugu hanjabeen xubno qoyskeeda kamid ah.

Waxa ay sheegtay Xaniifa in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee u dhaxeeya iyada iyo Madaxweyne Laftagareen u gudubtay in la weeraro qoyskeeda, waxa ayna cadeesay waxii dhibaato ah oo gaara qoyskeeda in uu masuul ka yahay Madaxweyne Laftagareen.

”Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida South West oo wata labo Cabdi Bille tagaan guriga hooyadey si ay usoo xiran bilaa sabab ,sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay ,Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha ka dhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan Koonfur Galbeed ka jirtana haday soo afjarmaysaa insha allah ” ayey tiri Wasiir Xaniifa.

Warkan kasoo baxay Wasiir Xaniifa ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan Madaxweyne Laftagareen Wiil ka dhashay Wasiirka ka dhigay Senator katirsan Aqalka Sare si booska Xildhibaanimo u lumiso Wasiir Xaniifa oo siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

Related posts

Jabuuti: Dadkii ugu badnaa oo maanta kaliya laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Waddo xiriirisa sadex degmo oo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo u gefay Diinta Islaamka oo xabsi la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---