Wasiir katirsan Xukuumadda oo cabasho ka muujiyay Doorashada Kursiga Hop166

Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa cabasho xoogan ka muujiyay habka loo marayo doorashada kursiga sumadiisu tahay Hop166.

Qoraal uu soo saaray wasiir Duraan ayuu ku sheegay  in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha iyo xubnaha bulshada ee soo xulaya ergada  aysan aheyn kuwa haysta matelaad bulsho, waxa uuna walaac xoogan ka muujiyay doorashada kursigan oo dhawaan ka dhaceysa Garawe.

”Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay #Hop166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin, xubnaha xulaya Ergada iyo ergada ay soo xuleenba maahan kuwo haysta matelaad bulsho, ayuu yiri Wasiir Duraan.

Cabashada kasoo yeertay wasiirkan katirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan lagu heshiiyay qabashada doorasho daah furan oo lagu kalsoonana karo, hasa ahaatee waxaa muuqata in deegaanada qaar ay wali ka jiraan musuq maasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -