Madaxweyne Biixi oo aad ula yaabay Waxii uu kusoo arkay Warshada Hawassa (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa maanta booqday xarunta warshadaha ee Hawassa , si uu usoo arko sida ay u shaqeyso warshadaasi.

Muuse Biixi booqashada uu ku tagay xarunta warshada Hawassa waxaa ku wehliyay madaxweynaha gobolka Sidama, Desta Ledamo, wasiirka maaliyadda, Axmed Shide, wasiirka arrimaha dibadda, Ambassador Redwan Hussein iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga la socday ayaa warbixin ku aadan warshada Hawassa iyo shaqada ay qabato ka dhageestay Maamulaha Xarunta Warshadaha ee Hawassa Mr. Fitsum City .

Muuse Biixi oo la hadlay Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegay in uu aad ula dhacay kuna faraxsan yahay booqashada uu ku tagay warshadan, waxa uuna xusay in uu aad ula yaabay sida ay u shaqeyso warshadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -