Madaxweyne Qoor Qoor oo lagu eedeeyay in Villa Soomaaliya u boobayo kuraas Xildhibaano

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusomareeb ayaa lagu eedeeyay in uu doonayo in kuraasta xildhibaanada lagu dooranayo Galmudug u boobo Farmaajo iyo Villa Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi sidoo kale soo noqday Wasiirka amniga Galmudug ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Qoor Qoor in uu wado qorshe uu Villa Soomaaliya ugu boobayo kuraasta golaha shacabka ee Galmudug lagu soo dooranayo.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxweynaha Galmudug foodo ka dhax bilaabay odayaasha Galmudug sidoo kale uu si bareer ah u boobayo kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda Villa Soomaaliya,

”Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, loogana fadhiyey in uu si cadaalad ah ugu maamulo amaanada uu u hayo, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.” ayuu yiri Fiqi.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in ay dib uga bilaabato magaalada Dhuusomareeb, waxaana mar kale isha lagu hayaa in ay dhacdo boobkii ay doorashada markii hore ku bilaabatay oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -