Raisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho ku tagay degaanka Soomaalida (Sawirro)

Raisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo xalay gaaray magaalada Jigjiga ayaa saaka booqday aagga wax-soo-saarka beeraha ee degmada Tulli-guuleed gaar ahaan tuulada Kulule.

Madaxweynaha degaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiin heer deegaan ah ayaa wafdiga Abiy Ahmed qaabilay.

Ujeeddada socdaalka masuuliyiinta ayaa ah indho’indhaynta barnaamijka wax-soo-saarka beeraha ee Dalag & Daryeel ee dowladu ka hirgelisay qeybo ka mid ah degaanka Soomaalida.

Raysal wasaaraha waxaa socdaalka ku weheliya madaxwayne-ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee dalka, mudane Aadan Faarax Iyo Masuuliyiin heer federaal ah.

 

- Advertisement -