Guddigii qaban-qaabada dibed-baxa Sabtiga oo isku mari waayey hal qodob

Waxaa galabta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho  Guddigii qaban qaabada bannaan baxa ay mucaaradku qaaayaan Sabtida, kaasoo ka kala socda dowladda iyo Musharaxiinta.

Kulankan oo saacado badan ayaa noqday mid natiijo la’aan ku dhamaaday markii la sku mari waayey arrimaha qaar.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in xubnaha ka socda dowladda ay dalbadeen in daljirka dahsoon laga bedelo goobta banaanbaxa lagu qabanayo

Xubnaha ka socday Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray dalabkaas, iyagoo ku adkeystay in bannaanbaxa aan goobta laga bedeli karin, gaar ahaan in Daljirka Dahsoon

Xubnaha shirka joogay ee Guddiga labada dhinac ayaa kala ahaa: Wasiirka Amniga Xasan Xundubey, Duqa Muqdisho Cumar Filish,  Musharax C/raxmaan C/shakuur iyo Musharax Madaxweyne Mustafa Dhuxulow.

Waxaa shirka ka maqnaa Musharax Madaxweyne Dahir Geele iyo C/raxmaan Al Cadaala Wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo labada ka mid ahaa Guddiga, balse safar ku maqan, waxayna ku balameen xubnaha galabta shirsanaa iney iskugu yimaadaan kulan kale maalinta beri ah sida wararku sheegayaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -