Baarlamanka Somalia oo beri yeelanaya kulan shaki badan uu ka taagan yahay

Golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa beri oo Arbaco ah yeelanaya kulan mucaaradku ay ka muujinayaan shaki badan.

Fariimo caawa telefoonada loogu diray Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu beri jiro kulankii baarlamanka oo loogana hadlo doono saddex ajende ah oo kala ah:-

1- Covid-19

2-U codeyn laba xubnood oo guddiga M/B  ee Xuduudaha

3-U codeyn sharciga Qaxootiga Qaranka.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa laga joojiyey iney ka qeyb galaan fadhiyada Baarlamanka ka dib markii ay is’hor taageen inuu furmo fadhi Sabtidii ina dhaaftay lagu kala dareeray, iyagoo sheegaya inuu jiro qorshe qarsoon oo muddo kordhin ah.

Hase ahaatee, Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha Barlamaanka ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu jiro ajende muddo kordhin ah.

Xildhibanaada la xanibay ayaa ku adkeysanaya iney tegi doonaan fadhiyada Baarlamanka,  wixii dhibaato ah ee loo geystana ay ka jawaabi doonaan gudoonka Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -