Munaasabad weyn oo caawa ka socota Muqdisho & Wadooyinka magaalada oo xiran

Dhammaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa la xiray sababo la xiriira xaflad lagu xusayo midowgii goboladda Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia ee 1-da Luulyo oo caawa ka socota Magaalada.

Ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiid dagaalka ayaa caawa xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo ammaanka adkeynaya.

Xiritaanka Wadooyinka ayaa saameyn adag ku yeeshay socodka, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Shacab fara badan oo ka soo hayaamay goobahooda shaqo ayaa lugeynay wadooyinka, iyaga oo wata agab culus xaafado fogna u hoyanaya sababo la xiriira gaadiid la’aanta.

Dhinaca kale, Xaflad balaaran oo lagu maamuusayo munaasabada 1-da Luulyo ayaa caawa ka socota xarunta dowlada hoose ee Muqdisho taasoo ay ka qeyb galayaan madaxda sare ee dalka, diblomaasiyiinta ah ajnabiga ah ee wadanka jooga, wufuud dibeda ka timid iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xafladan ay socon doontaa illaa caawa saqda dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -