Beri ma Ciid baa mise waa 30ka Ramadaan? (Dowlada Somalia oo War ka soo saartay)

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in beri oo Talaado ah la dhameystirayo 30ka bisha Ramadaan ka dib markii la waayey cid aragtay bishii Shawwal oo la filayey iney caawa bilato.

“Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaageysaa in maalinta beri la dhameytirayo 30-ka Bisha barakeysan ee Ramadaan” ayuu yiri agasimaha waaxda Diinya ee Wasaarada Awqaafta Somalia Shiikh Cali Dheere

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in maalinta koowaad ee ciidul fitriga ay noqon doonto maalinta Arbacada  ah oo taariikhdu tahay 10ka bisha Apriil 2024.

Sacuudiga iyo dowladaha kale ee khaliijka ayaa ayaana iyana horey u sheegay iney beri dhameystirayan 30ka Ramadaan, ayna ciida noqoneyso arbacada.

War ay maanta soo saartay Xarunta Caalamiga ah ee Xiddigiska ayaa waxay ku sheegtay in dalalka Soonka bilaabay Isniinta aysan macquul aheyn inay caawa arkaan Bisha Shawwal, sababo la xiriira Dayaxa oo dhacayo qorraxda ka hor.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAAID EE DOWLADA

- Advertisement -