Ciidamo u dhashay Imaaraatka oo la geeyay Jasiirada Socotra iyo Xiisad ka taagan

Qaar kamid ah Shacabka ku dhaqan jasiirada Suqadara ee u dhaw Soomaaliya ayaa ka mudaaharaaday ciidamo boqolaal ah oo ka tirsan kuwa Imaaraatiga oo halkaasi la geeyey xili ay jasiiradaasi xiisadi ka taagan tahay.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay la wareegeen Madaarka ugu weyn ee jasiirada ku yaal isla markaana kala direen ciidamadii dowlada Yemen ee halkaasi maamuli jiray. Xili jasiirada ay booqasho ku tageen wafdi uu hogaaminayo Raysalwasaaraha Yemen.

Raysalwasaare Axmed bin Daghr iyo wafdigiisa ayaa Socotra (Suqadara) u tagay si ay u cambaareeyaan dhaq dhaqaaqa militari ee Imaaraatiga ka wado jasiiradaasi.

 

Dowlada Imaaraatiga ayaa xaqiijisay in Jasiiradaasi ay u direen afar diyaaradood oo sida boqolaal ciidamo ah, isla markaana ay qeyb ka tahay hawlgalka ay amniga ku sugayaan.

 

Imaaraatiga ayaa sidoo kale ku dooday in dowlada Yemen ay u saxiixday in Jasiirada Socotra ay maamuli karaan illaa 99 sano ee socda. Heshiiskaasi oo uu muran ka taagan yahay.

Jasiirada Socotra oo ku taal goob muhiim ah ayaa waxaa horey u maamuli jiray dowlada Yemen, walow ay Soomaaliya lafteedu sheegan jirtay, waxaana ku nool dad gaaraya 60.000 Yemeniin ah, sidoo kalr waxaa ku nool Soomaali ka soo jeeda Puntland, jasiiradaasi ayaa sidoo kale ah goob loo dalxiis tagi jiray oo ay hay’ada UNESCO u aqoonsatay (World Heritage Site).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -