QM oo hakisay gargaarkii ay ka waday gobolka Tigray & sababta ka dambeysa

Hay’adaha gargaarka QM ayaa hakiyay shaqadii ay ka hayeen waqooyi-galbeed ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib markii weerar cirka ah lagu duqeeyay xero ay ku jireen dad barakacayaal ah, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga musiibooyinka.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa warbixin uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegay in weerarka oo saqdii dhexe ee jimcaha ka dhacay magaalada Dedebet ee waqooyi galbeed ee gobolka Tigray uu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah.

Shaqaalaha gargaarka waxay sheegeen in 56 qof ay ku dhinteen duqeynta halka 30 kalena ay ku dhawaacmeen.

Afhayeenka ciidamada Itoobiya G/lle Sare Getnet Adane iyo afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaan ka jawaabin codsi ku aaddan inay dhacdadan ka hadlaan, iyadoo Dowladda ay horey u beenisay in ay dad rayid ah beegsatay muddadii 14-ka bilood ahayd ee uu socday dagaalka ay kula jirto ciidamada Tigreega.

Inkasta uu si ku meel gaar ah u joogsaday dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo fallaagada Tigray, waxaan weli sii socdaa duqeymaha ka dhanka ah TPLF.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili dowladdu xabsiga ka sii daysay dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah, iyadoo sheegtay inay bilaabi doonto wadahadal ay la gasho mucaaradka siyaasadeed si loo xoojiyo dib u heshiisiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -