Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Ciidamada oo saakay xukun dil ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo qof shacab ah ku dhax dilay saldhiga booliiska degmada Luuq.

Fagaare kuyaala degmada Luuq ayaana saakay lagu toogtay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj oo lagu magacaabayay Sugow Gaarane Ciyow.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad ayaa ku eedeysay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) in uu si bareer ah ugu dilay Marxuum  Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle 3/3/2021 Saldhiga degmada luuq oo katirsan Gobolka Gedo.

Eheladda marxuumka uu dilay askarigan saakay la toogtay ayaa ku sugnaa fagaaraha xukunka dilka ah uu ka dhacayay, waxa ayna soo dhaweeyeen in la qisaasay askarigii sida gardarada ahaa u dilay Sugow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo qaabilay musharaxii sida weyn uga guuleestay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Nabad suguda oo soo bandhigay Axmed Kawaan oo isku soo dhiibay

Cabdi Cade

Shir u dhaxeeya DFS iyo Bangiga Adduunka oo Nairobi ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---